Qaramada midoobey oo ka digtey in caruur badan ay u dhiman karaan abaaraha somaliya

0
165

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in 350,000 oo caruur ah oo ku nool Soomaaliya ay u dhintaan macaluul, haddii aysan dunidu ugu soo bixin sidii gargaar cunto loogu fidin lahaa dadka Afrikaan ah ee saboolka ah oo ku jira sannaddii afaraad oo isku xiga oo abaar ay saameeysay.

Waaa uu ugu baaqayaa dhammaan inta awood u leh inay wax ku biiriyaan, oo ay ku jiraan qurba-joogta Soomaaliyeed, ganacsatada, deeq-bixiyayaasha dhaqanka iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay in dadkaasi gurmad aarsiiyaan.

Saddex sano oo abaar ah oo xiriir ah ayaa ka dhacday dalka kadib markii webiga ugu weyn Soomaaliya, ee Jubba uu gebi ahaan Biyo la’aan noqday, waxaana taasi ay keentay abaar saameysay dad lagu qiyaasay 4.5 milyan oo qof, kuwaas oo intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay beeraha.

Dhinatada abaaraha kuma koobna Soomaaliya oo kaliya. Sida laga soo xigtay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ugu yaraan afar meelood meel dadka Afrika ayaa hadda wajahaya cunto yari taasoo ay ugu wacan tahay arrimo ay ka mid