Gudoomiyaha gudiga doorashooyina oo gaarey magalada baydhaba

0
102

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf, waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Socdaalka magaalada Baydhabo ay goordhaw ku tageen guddoomiyaha guddiga FEIT iyo wafdigiisa ayaa ujeedkiisu yahay sidii xal ugu heli lahayeen tabashada maamulka Koonfur Galbeed ay ka qabaan howlaha doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay kulamo la qaataan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa lagu filayaa inuu dadaal badan gelin doona sidii Koonfur Galbeed u fasixi laheyd Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay deegaanada maamulkaas si ay u qaatan shahaadada Xildhibaanimo, ayna uga qeyb galaan munaasabadda dhaarinta oo berito ah ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Dadaalka guddiga doorashada uu haatan ugu jiro sidii xal ugu heli lahayeen tabashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha maamulka Galmudug uu Baydhabo u tagay dhawaan sidii xal uu ugu heli lahaa tabashada Koonfur Galbeed, walow wali aysan u suurta galin in madaxweyne Qoorqoor uu ku guuleysto dadaalkiisa.