Gudiga doorashooyinka maamulka hirshabeele oo shaaciyey jadwalka doorashooyinka 2 kursi

0
92

Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Hirshabeelle ayaa jadwal cusub kasoo saaray doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Labada kursi ee jadwalka cusub ee waqti doorashadoodu dhaceyso ay shaaciyeen guddiga ayaa kala ah HOP 106, HOP024, waxaana labadaan kursi doorashadoodu iney dhacdo ay aheyd sidii horay ay u shaaciyeen guddiga Sabtigii ina soo dhaafay, hayeeshee waxaa la sheegay iney dib ugu dhaceen isqabqabsi ka dhex jiray beelaha iska leh labadasi kursi.