Qooro qoor iyo xildhibaano la socda oo kulamo la yeeshey Cabdicasiis lafta gareen

1
267

Xildhibaan oo ka tirsan golaha Shacabka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay iyo saaka kulamo ku saabsan khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed la yeeshay Madaxweynaha maamulkaasi.

Kulamaddan ayaa inta badan diirada lagu saaray Afar kursi oo guddiga doorashooyinka heer Federaal uu dhawaan sheegay in lagu celinaayo balse ay diideen maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Qoorqoor iyo xildhibaanada la socda ayaa la sheegay ka hor inta aysan go’aan qaadan in ay imaan doonaan Muqdisho ayna la kulmi doonaan guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Mas’uuliyiinta tagay Baydhabo ayaa la sheegay in Cabdicasiis lafta gareen ay ku qancinayaan in uu yimaado magaalada Muqdisho uuna soo fasaxo xildhibaanada ka dibna la raadin doono xal.

1 COMMENT

  1. Aan dib u xasusano dagaalkii tuhun iyo torabora.qoorqoor manta waa abdi qasin ,deni iyo madowe waa abdulahi yusuf,dagaalka maanta ay wajaheyso kgs waxaa dheri ku ah rooble oo ka cuqdeysan salbalar guuldaradii ka soo gaartey kgs iyo dir oo rabta in ay la waregto kgs iyado kashaneysa jido,dabare,leysan,hadame iwm kgs sarakisha maanta hoganka u haya aad bey ugu warqabaan waxa laga damacsan yahay iyaga iyo dalka kgs.

Comments are closed.