Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo safar ugu kicitamey dalka qadar

0
145

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ugu amba-baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan waddanka Qatar oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in booqashada Farmaajo ay qaadan doonto muddo laba cisho ah, isla-markaana uu la kulmi doono Amiirka dalka Qatar.

Farmaajo iyo Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka soojireenka ah, horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga, horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa horey usii shaacisay warbaahinta Qatar oo sheegtay in Dooxa ay casuumaad u fidisay Farmaajo iyo wafdigiisa.