Gudiga dorashooyinka maamulka koonfur galbeed oo shaaciyey dorashooyinka 6 kursi

0
154

Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay iney qabanayaan doorashada lixdaan kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay guddiga soo saaraan jadwalka qabashada doorashada lixdaan kursi.