Gudiga doorashooyinka koonfur galbeed oo shaaciyey jewalka doorashooyinka 6 kursi

0
203

Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP 275, HOP 230, HOP 183, HOP 178, HOP 050 HOP 158, waxaana guddiga ay sheegeen in Maanta ay soo gudbinayaan Odoyaasha iyo Labada xubnood Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraastaan dooraneysa.