Dowlada kenya oo walaac ka muujisey heshiiska baarita shidalka somaliya

0
177

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee shidaalka ee uu wasiir kamid ah xukuumada Soomaliya la galay shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heshiiskaas uu sii kordhinayso muranka soohdinta badda ee labada dal, iyadoo tilmaamtay in ay ka walaacsan tahay in Soomaaliya ay qandaraasyo shildaal ka bixiso aagga lagu muransan yahay.

Diblomaasi sare oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in Kenya ay isha ku hayso waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaxeeyay muran dhanka xuduud badeedka ah, markaasoo Muqdisho ay Nairobi uga dacweysay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dooneysay in dib u habeyn lagu sameeyo soohdinta badda.