Maamulka jubaland iyo saraakiil itoobiyaan ah oo ka wada hadley xaalada amni ee deeganadaas

0
62

War kasoo baxay Taliska ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in ay maamulka Jubbaland kawada hadleen xaaladda amni ee xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Taliyeyaasha Qeybta 3-aad iyo 6-aad ee ciiddanka difaaca Itoobiya, Taliyaha Guutada 5-aad ee ciiddanka lugta iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan taariikh, dhaqan iyo af.

Sida uu sheegay Taliyaha Qeybta 3-aad ee ciiddanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid in si looga hortago khatarta Al-Shabaab ay lagama maarmaan tahay in si dhow loola shaqeeyo dowladda, ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.