Ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey qeybo ka tirsan gobolka banaadir

0
89

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Bari oo ay wehlinayeen Ciidamada Duufaan ee NISA ayaa howlgallo qorsheysan oo dad farabadan lagu qabtay waxaa ay ka sameeyeen laba degaan oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo meelo kamid ah degmada Yaaqshiid.

Ciidamada oo watay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka ka sameeyay degaannada Daaru-Salaam, Gubadleey iyo degmada Yaaqshiid, waxaana saraakiishu ay sheegeen in uu howlgalka ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga Caasimadda.

Ciidamada ayaa Guri guri u baarayay Xaafadaha ku dhow ceymiska ee degmada Yaaqshiid iyo degaannada Gubadleey iyo Daaru-Salaam, waxaana Ciidamada ay qabqabteen dhalinyaro looga shakiyay inay yihiin kuwo lidi ku ah Amniga.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasoow Xasan ( Goofgooge), Taliyeyaasha Afarta Saldhig ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid Huriwaa iyo mas’uuliyiin kale.