Wefdi ka socda hay’adaha iom, un, ocha oo maanta gaaray magalada baraawe

0
195

Waxaa Maanta degmada Baraawe gaaray wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageerada siiya Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga oo ka kooban Hay’adaha kala ah IOM, UN OCHA iyo qaar kamid ah howl wadeenadooda heer caalami ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, Mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Saraakiil ka girsan Ciidanka xoogga dalka & kuwa AMISOM.

Ujeedka Wafdiga ka socday Hay’adaha Aaramada Midoobay ee degmada Baraaae ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuur geli doonaan xaalada guud ee ka jirto Degmada Baraawe, iyo deeganada hoos yimaada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo wafdiga soo dhaweeyay ayaa sheegay in Madaxda Hay’adaha ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka si ay uga dhageystaan warbixin la xiriirta xaaladaha Bami’aadanimo ee kajirta degmada iyo degaannada hoostaga.