Daawo reysulwasaaraha xukumada federalka oo eedeyn usoo jeediyey golaha musharixiinta

0
559

Reeysulwasaaraha xukumada federaalka somaliya Maxamed Huseen Rooble oo koldhaweyd warbaahinta la hadley ayaa eedeyn usoo jeediyey masuuliyiinta golaha musharixiinta.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in bananbixii ay golahaasi soo abaabuuleen uu ahaa bananbax rabshado wato isla markaana ay weerareen ciidamada dowlada oo ku sugnaa baro koontarool.

Reysulwasaaraha ayaa hoosta ka xariiqey in muwaadanka somaliyeed uu xaq u leeyahay in uu banaanboxo balse aysan abaabuli karin bananbaxyo rabshada wata oo lagu dhibaateynayo shacabka somaliyeed.

Si kastaba arintu ha ahaatee eedeymaha ay dulsha iska saarayaan masuuliyiinta dowlada iyo kuwa musharixiinta ayaad moodaa in dhinac walba uu ku dhegeyn yahay gardaradiisa isla markaasna aysan jirin qeyb qaadatey inay ayadu gardaran tahay.