Reysulwasaraha itoobiya oo amrey weerar ka dhan ah gobolka tigreyga

0
91

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin lagama hayo weerarka la tuhunsan yahay inuu ka dhacay gobolka Tigray, waxaana gobolka laga jaray isgaarsiinta iyo internet-ka.

Waxaan sidoo kale caddeyn inta ay la ekaan doonto jawaabta ay bixinayaan militariga federaalka, inkasta oo diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha ay muddo ka digayeen in is mari-waaga u dhaxeeya dowladda iyo TPLF uu isku rogi doono dagaal buuxa.

TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano xukumayey Ethiopia ka hor inta anau Abiy xukunka la wareegin sanaddii 2018.

Xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay horranatii sanadkan markii dowladda ay dib u dhigtay doorahsooyinkii dalka, ayada oo qiil ka dhiganeysa cudurka Coronavirus, taasi oo ay ka hor-yimaadeen TPLF.