Dhegeyso: Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabele ka hadley doorashooyinka halkasi kasocda

0
111

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maalin, kaddib faah faahin ka bixiyay sababihii keenay in uu iska casilo xilkii Madaxweynaha Hir-Shabeelle xilli ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Waare ayaa marka hore sheegay in uu waqti badan uu geliyay maamul goboleedka Hir-Shabeelle si loo helo maamul nidaam & amni kala duwan leh, hayeeshee taasi ay socon weysay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu ka tanaasulay xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle, iyada oo ay u harsan tahay muddo hal Sano ah, sidoo kalena uusan xilligaan aheyn musharax Madaxweynaha Hir-Shabeelle.