Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatey kursiga koongareska mareykanka

0
70

Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay.

Ilhan waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah ee xubin ka noqda Koongaraska Mareykanka, waana mid ka mid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee muslim ah ee loo doorto Koongareeska sannadkii 2018.

Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.