Yaa Ka Masuul ah Dib u Dhaca Gobolka Shabeleha Hoose

1
205

Hordhac:- Taarrikhdu wexey qoreysaa in gobolka shabelaha hoose uu ahaa gobolada ugu xaraadada dheer ee somaliya dhanka maamulka, dhanka dhaqalaha iyo siyaasada, Inta uusan gumeystaha imaan gobolka wuxuu lahaa salaadiin iyo saldanad waxaa ka jirey maamulo sida dowliga u shaqeeyo oo maanta ku qoran buuugaagta maktabadaha aduunka yaala.

Wuxuu ahaa gobolka keliya ee somaliyeed oo lagula dagaalamay gumeystaha taas waxaa cadeyn u ah dagaalkii dowlada bortoqaal ay rabtay iney ku qabsato magalada baraawe iyo dagaalkii talyaaniga ee lafoole, Wexey kaloo taariikhdu qoreysaa markii uu mililiq soo direy 3000 kun ee ciidanka fardooleey ah ciidankaasi in lagu jebiyey balcad dagaalkaas oo uu hogaminaayey saldanada boqortooyada geledi sida uu qorey prof Casaneli.

Kadib kolkii gumeystaha uu si toos ah ula wareegay dalka wuxuu burburshaey saldanihii iyo dhaqankii meesha ka jiray isagoo ula jeedadiisu ahaa in dhulkaan shabelaha hoose gacanta ku dhigo isagoo isla markaas dhibaato u geystey shacabka gobolka degenaa taasoo ilaa iyo hada laga xasuusto falkii keli asyle oo ay dad badan ku naf waayeen.

Dhaqdhaqaaqii xoriyad doonka.

Dhaqdhaqaaqii xoriyada doonta xisbigii ugu horeeyey ee la oran jirey jimciya oo markii dambe loo bixiyey SYL waxaa guntiga u dhigay dad kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose sida Cabdulkhadir Saqaawadiin, Khaliif Huudoow Macalin, iyo Maxamed Cusmaan Baarbe oo seddexdaba ka tirsanaa 13kii SYL.

60 sano ka hor mabda’a federaliisamka ay maanta somaliya qaadatay waxaa fikirkiisa lahaa dad kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose oo uu hormuud u ahaa sheekh cabdullahi begedi taasoo markaasi somalida kale ay diidanayeen in fikirkaasi la meel mariyo waxaana dhacday in loo dilo Ustaad Cusmaan oo markaasi ahaa dadka ugu cad cad ee fikirkaasi rabey inuu u bandhigo beesha caalamka.

Dowlada kacaanka ee uu hogamiyaha ka ahaa Maxamed Siyaas Bare markey timid waxay horey usii dhaqan gelisay fikirkii gumeystaha uu ka lahaa gobolka shabelaha hoose wexey bilaabeen iney kusoo daad gureeyaan gobolka shabelaha hoose somalida kale ee degan gobolada dhexe dalka si halkaasi logu abuuro dad kale waxaana deegaano looga sameeyey Kuntuwaareey iyo Sablaale.

Burburkii dowladii milateriga ka dib gobolka waxaa uu gacanta u galay oo uu ilaa iyo hada ugu jiraa kooxo kasoo kicitamay gobolada dhexe ee dalka ayagoo halkaasi ku jooga magacyo kala gedisa ama ha noqoto mid diini ah, ama mid loosoo xirey dereyska dowlada, ama haku joogeen mooriyaanimo.

Kadib kolkii beelaha soomaaliyeed ay ku heshiiyeen iney qaataan nidaamka federaaliga ayaa waxoogaa waxaa hami soo galey dadka gobolka shabelaha hoose taasoo ay is lahaayeen maamulka koonfur galbeed marka la dhiso deegadiina iyo goboladiina idinkaa u tashan doona, Balse nasiib darada dhacday wexey noqotey in ragii masuulka ka ahaa maamulka koonfur galbeed ay door bideen in gacan saar la lahaaano dadka deegaanka markaasi gacanta ku hayey taasoo ayadana dib u dhac iyo niyad jab weyn ku noqotay shacabka ku nool gobolka shabelaha hoose.

Gabagabada qoraalkeyga waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo gabagabeeyo, Gobolkan aad arkeysaan waxaa uu gacanta ugu jiraa xildhibaano iyo odey dhaqameedyo oo hadba meeshey dantoodu ku jirta gobolka ku hogaamiya, Xildhibaanada iyo Odeydhaqameedyadan ma aha dad tegi kara deeganada ay kasoo jeedaan waxeyna xabsi guri ugu jiraan hotelada magalada muqdisho, Mana aha dad ka hadli kara dhibaatooyinka ay maleegayaan maamulka koonfur galbeed iyo kooxa burcada ah ee xooga ku heysta gobolka, Gobolka aad aragteen ee soo marey tariiqahaas kala duduwan waqtigan xaadirka cidna uma maqna ceelna uma qodna shacabkoow gobolkiina badbaadsada idinkoon waxba ka sugeyn kooxaha xabsi guriga ugu jira hotelada magalada muqdisho.

 

Maxamed Sheekh Baariyoow

1 COMMENT

  1. Beenta Ka dhaaf umadda qof Somali ah cadaalad kuuma keenaayo adigaa lagaa rabaa inaad xaqaaga soo dhacsato hada Biyomaal wuu dhowyahay lkn Digil hadal in lagu helaayo xornimo ayey u heestaan ciidan noqda dagaalama waad xuroobeysaan hadii kale aamus ha lagu heesto. Miriflaa na dulmiyey ayaa u sheegtaa dadkaaga maalin kasta lkn mirifle hal tuulo kaama heesto Hawiyaha Ku heesto Ku gumeesto wax kama sheegtid waana ogoshahay ceeb caleek damiir ma lihidiin miyaa Digilow jareer weyne ayaa dagaalama abgaalka wax la qeebsado shame on you Digil

Comments are closed.