Maxaa kaa Qaldan Xirfadle?

0
175

Wuxuu 5 sannadood ahaa xubin ka tirsan golaha deegaanka New York. Kaddib wuxuu 1999 ku guuleystay mid ka mid ah kuraasta New York ee aqalka Congresska. 7 jeer oo xiriir ah ayaa dib loo soo doortay illaa sannadkii 2011 uu ku dhacay fadeexo sumcadda ka dishay, isla markaasna ku kaliftay inuu kursiga iska casilo.

Sannadkii 2013, labo sanno kaddib Anthony Weiner, oo u muuqda qof is moogeysiinaya inta fursad uu kursi u helay iyo fadeexaddii daaqadda ka saartay, ayaa wuxuu isku soo sharxay duqa magaalada New York. Asagoo ololihiisa ku jira ayaa wuxuu ka soo muuqday TV-ga MSNBC oo xisbigiisa Democrat-ka u xagliya, wax uusan fileyn buu kala kulmay wariyihii.

Lawrence O’Donnell, oo ah wariye su’aalo kulul ayaa Weiner weydiiyay: “Maxaa kaa qaldan?”

Weiner oo su’aashii ku wareeray ayaa yiri, “ma fahmin, maxaad ka waddaa?”.

Lawrence ayaa faahfaahiyay, “kaalay noloshaada jago siyaasad la’aanteed ma maareyn karaysid miyaa, maxaad 22 sanno wax aad qaban weysay, aad hadda ku qaban kartaa kursigaas, oo xafiis siyaasadeed la’aantii nolol kuu muuqato ma jirto miyaa?”.

Waddamada horu-maray siyaasaddu waa shaqada keliya oo khibraddeeda la isku ceebeeyo mar walba oo ay kugu badato. Dib ugu noqo xusuustaada, Barack Obama, asagoo aan muddo xileedkiisa koowaad ee Senate-ka dhamaysan ayaa madaxweyne loo doortay asagoo “is-beddel” balan qaaday, kana guuleystay Senator John Mccain oo 40 sanno xilal kala duwan soo qabtay halyeyna ahaa. Mccain waxaa lagu ceebeeyay khibraddiisa dheer ee siyaasadda asagoo lagu sheegayo in uu siyaasadda ka shaqaysto, ee uusan ujeeddo ugu jirin.

Hillary Clinton, oo la tartantamaysa Trump ayaa sheegatay 35 sannadood oo khibrad dowladnimo ah, ayadoo rabta in ay ku ceebeyso Trump oo aan weligiis xil dowladeed qaban, wariye caan ayaa habeenkii dooddooda yiri, “35 sanno oo khibrad siyaasadeed ah waa daciiftinimo in la sheego ay qalad ahayd”.

Siyaasadda sida caadiga ah, ma aha shaqo guri laga biisho, daaro laga dhisto, nolol raaxo leh laga dhaliyo, waxaa loogu tala galay in ay galaan muwaaddiniin xambaarsan ujeeddooyin, kuwaasoo aysan iyagoo muwaadin caadi ah ka miro dhalin karin. Marka ay ku guuleystaan, waxay billaabaan fulinta ujeeddooyinkaas, ha ahaadaan u kaalmeyn shacab, la dagaalan musuqmaasuq, joojin colaad, canshuur yarayn, caafimaad hagaajin i.w.m. Kama fekeraan yaa berri xilkaasi kaa hor istaagi kara, yaa ku mucaaradi kara, yaa saaxiibtinimadiisa ku anfacdaa, yaad jago u magacawdaa si aad jaran jaro uga dhigato una soo jiidato beeshiisa iyo asxaabtiisa.

Siyaasad-ku-shaqayste, ma laha ujeeddo aanan ahayn in uu kursigaas sii heysto. Ma laha dareen iyo damqasho, ma xambaarsanna mabda’a, qaddiyad dal, dad, xitaa qabiil. Falalkiisa waxay ku gaaf-wareegaan kasbashada wixii xilkaas ku heyn kara sida laaluush, koox abuurasho, dibin daabyo. Waa “survivalist” oo guusha ugu weyn ay u tahay nafsaddiisa, in uu meesha joogo, wax-qabad-na kuma jiro kitaabkooda.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuu soo qabtay xilal badan. Dadbaa illaa iyo hadda la yaaban sababta uu siyaasadda uusan weli ula qalibmin halka asxaabtiisa oo kala heerar ahaa ay ka baxeen qadka. Shariif Xasan, ma xambaarsanna wax qaddiyad ah, oo uu ku guuleysto, ama la jabto. Gorgortanka gudaha iyo kan shisheeyahaba wuxuu ka qaataa waxa ugu sahlan, oo aan haba yaraatee u baahneyn dagaal. Wuxuu maalgashadaa siyaasad, haddana kala baxaa intuu geliyay ka badan.

Su’aasha maalmahaan socota ee ahayd, “muxuu qabtay?” waa qalad. “Career Politician” ama siyaasad ku shaqeyste la isma weydiiyo wuxuu qabtay, ee waxaa la is weydiiyaa, “wuxuu bi’iyay”.

Waddamo badan oo adduunka ah, waxaa la xaddiday inta jeer/sanadaha uu qof madax ah gobol ama dal hoggaamin karo. Sababta loo yeelay waa in uusan qofkaan noqon Career Politician, oo xilka la macaanaado, kaddib ku heynta nafsaddiisa ee kursigaas aysan ka weecin ujeedda kursiga ee ahayd in muwaaddiniin wax loogu qabto.

Haddii uu jiro gobol Soomaaliyeed, oo aan shacabkiisa u dul qaadan karin hal maalin oo uu maamulo Career Politician, waa Koonfur Galbeed. Inta lacag ah ee uu diyaarad ku raacay, hotelana ku degay, asagoo u dagaalamaya in uu xilkaasi heysto, ama mid kale uga sii gudbo, ayaa ku filneyd in uu wax badan ku qabto.

Khibrad siyaasadeed, oo dhaqankeena ka ah ammaan “rug caddaa”, ma aha wax u wannaagsan dalka, damiirka ayay ka dishaa siyaasiga, wuuna qaddiyad beelaa. Wuxuu ku soo uruuraa macaansiga xilka, oo asal ahaa culeys iyo mas’uuliyad inuu ahaado loogu tala galay.

Nov 17, 2018 iyo is beddel kheyr qaba! Waxaan rajaynayaa in Soomaaliya iyo Koonfur Galbeedba ka nastaan qof xitaa heybaddooda iibiya si uu xil uun u hayo.

Su’aasha uu Lawrence weydiiyay Anthony Weiner ayaan Shariif Xasan weydiinaynaa:

“Shariifow maxaa kaa qaldan, nolol xil la’aan ah, ma qiyaasi kartaa?”

Career Politician, “xirfadle siyaasadeed” hadafkiisu waa xilka inuu heysto, ee ma aha in uu ka dhigto aalad uu wax ku qabto. Waana sababta ay waddama dimuqraadiga ah uga hormareen kuwa keli taliska.

Waana halka ay KG ku socoto haddii uu soo noqdo Career Politician!

Hassan Aadan Hosow