Hunguri weynida Mirifle Ma Laga Yaabaa Iney Carqalad Ku Noqoto Midnimada Digil iyo Mirifle

0
308

Waxaa beryahan soo ifbaxayey sawaxan iyo buuq aad u badan oo ay wadeen xildhibanada kasoo jeeda beelaha Mirifle, Xildhibaanadan ayaa ku andacoonaya in dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku tumatay xuquuqda beelaha Digil iyo Mirifle isla markaana ay hareer martay qaab qeybsigii 4.5 ee beelaha ku heshiiyeen taasoo ay sheegeen in loo bedelay 3.5, Balse waxaa nasiib daro ah in xildhibaanadan aysan weligood ka hadlin xaqdarada iyo cadaalad darada ay ku hayaan walaalahood beelaha digil.

Burburkii xukuumadii kacaanka ka hor Digil iyo Mirifle waxaa ay ku mideysnaayeen magaca Digil iyo Mirifle kaasoo ahaa lama taabtaan, Dagaalada ka dib magacii Digil iyo Mirifle inta laga tegay ayaa waxaa la door bidey in loo bedelo Sagaal iyo Sideed iyo Digil si sadbursi loogu geysto beelaha Digil waana mida hada taagan oo ilaa iyo hada garaadkooda uu siin la yahay walaalaha Mirifle iney ka waantoobaan.

Reer Mirifle Wexey Heestaan

1) 3 Wasir ( wasirka A Yantaar, Leysaan iyo Xariin
2) 3 Wasir kuxigeen ( Geelidle,Gawaawey iyo Macalinweyne)
3) 3 Wasiro Dowlo ( Disow, Elaay iyo Hadame)
4) 42 Xildhiiban Aqalka Hoose
5- 5 Xildhibaan Aqalka Sare.

Reer Digil waxey Haystaan.

1) 2 Wasir (Dabare iyo Gare )
2) 2 Wasir kuxeen ( Bagadi iyo Shantacaleen)
3) 19 Xildhibaan Aqalka Hoose
4) 3 Xildhibaan Aqalka Sare

Waxaa intaasi usii dheer walaalaha reer Mirifle Gudomiyaha baarlamanka dowlada federaalka somaliya, Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed, Safiiro, Qunsul, Taliyaal ciidan, Ayagoo intaas sad bursi ku sameeyey walaalahood digil ayey hadana maalin walba rabaan iney owrka ku kacsadaan beelaha digil si ay usii laba jibaaraan sadbursiga.

Sideedaba waxaa haboon qofka marka uu raadinaayo in uu helo cadaalad in taasi mid la mid ah inuu u ogolaado iney helaan dadka ku hoos nool ama magaca ay wadaagaan, Inta badan waxaa dhacda in magaca Digil iyo Mirifle uu u tagan yahay magac u yaal oo hal beel oo keliuiya sidey doonto u istimaasho, taasoo masuuliyadeeda ugu weyn ay leeyihiin Xildhibanada beelaha Digil iyo Odey Dhaqameedkooda oo dayacay xuquuqda Digil isla markana ogolaaday in cadalad daradaasi ay ku jiraan.

Si kastaba arintu ha ahaatee dulmiga iyo is xaqiraada siyaasiyiinta beelaha mirifle ay ku hayaan beelaha Digil ma aha wax hada soo bilowdey ee waa wax in mudo ah soo socday loona bahan yahay in la joojiyo si aysan u lumin midnimada iyo walaaltinimadii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay beelaha Digil Iyo Mirifle, waxaana lama huraan ah in siyaasiyiinta beelaha Mirifle ay hamigooda ka saaraan in ay kusii shaqeeyaan falsafada ku saleysan cadaalad.

DIGILOOW DAMIIR YEELO DULMIGA LA WADA DIIDYEE ISKA DIID DULMIGA WALALAHA MIRIFLE.

 

Maxamed Sheekh Baariyoow