Daawo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo ugu Baaqay Muuse Biixi Inuu Is Casilo

0
50

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu is casilo ama xil ka xayuubin logu qaado ka dib markii heshiishkii Dekadda ee ay ku doodi jireen inay heshiish la galeen ay Soomaaliya saxeexday.

Gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in warka ka soo baxay wasiiru dawlaha arrimaha Dibadda Imaaraadka ee uu siiyey idaacada BBC-da qaybteeda Carabiga ay tilmaamayso in heshiishkaasi uu saxeexay mdaxweynihii hore ee Soomaaliya, taasina ay ka hor imanayso hadaladii madaxweynihii hore ee Siilaanyo iyo madaxweyne Muuse Biixi shacabka u sheegayeen oo uu ku tilmaamay kuwo beenoobay.

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay inay jirto in dadkii la iska xidh xidhayo oo xoriyatul qawlkii meesha ka baxay, waxaanu yidhi “Kulmiye wuxu irida u xidhay xuquuqul insaankii xoriyadi hadalka, jeelasha way buuxaan mid hadlay iyo mid baraha bulshada wax ku qoray mid wargeys wax ku qoray mid riyooday mid aan wali loo sheegin wixi lagu magay intuba liintay jeelka ku dhex cabayaan”

Xisbiga WADANI ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash uu yahay mid kashifay wararkii beenta ahaa ee heshiishka lagula gallay Imaaraadka .

Anwar Qarqaash ayaa sheegay in heshiishka dekadda Berbera ay saxeexeen xukuumadii hore ee Soomaaliya, isla markaana aanay xafiis ku lahayn Somaliland wax xidhiidh ahna aanay la lalahayn Somaliland.