Howlgalo Lagu Sugayo Aminga oo Ka Socda Wadada Isku Xirta Degmada Balcad iyo Degmada Jowhar

0
48

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabey howlgal lagu xaqiijinayo Amniga waddada isku xirtay magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo waayadii ugu danbeeyay ay ku soo badanayeen weeraro halkaa ay ka geysanayaan Al-shabaab.

Col Cali Calasow taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta ka howlgalka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanno Al-shabaab ay joogeen oo ay ka carareen marka ay maqleen in ciidamada xoogga ku soo fool leeyahay, isagoona sheegay in deegaanada ay la wareegeen ay kala yihiin Qoor-dheere, War ciise, Qab duco, Wararaxleey iyo Qorax Madoobe.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalada ay socdaan oo deegaano hor leh ay ku fool leeyihiin ciidamada xoogga dalka, iyagoo saacadaha soo socda Al shabaab ka saari doona deegaano cusub, wuxuuna balan-qaaday in ciidamada aysan ka soo laaban doonin deegaanada ay gacanta ku dhigeen.

Dagaal culus oo shalay dulleedka degmada Balcad ku dhaxmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa lagu dilay ilaa Shan Askari ka tirsan ciidamada dowladda.