Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Sheegey Iney Wadi Doonaan Taageerada Ay Siiyaan Somaliya

0
97

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay wadi doonto taageerada dhinacyada sahayda iyo lacagaha isugu jirta ee ay siiso Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybahooda kala duwan.

Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Hay’adda ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, si wax badan looga qabto la dagaallanka argagixisanimada.

War saxaafadeed ka soo baxay Mr. Gutters ayuu ku ammaanay ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwii ka jawaabay weerarkii xoogag ka tirsanaa ururka Al-shabaab 23-kii bishan ay ku qaaadeen meel waxyar u jirta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxda Qaranka Soomaaliya ayuu sheegay mar walba ay ku fakarayaan oo ay ku dadaalayaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab, si loo helo nabad iyo xasilooni.