Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Maanta Xilka La Wareegay

0
95

Munaasabad lagu qabtay Xabsiga dhexe ee Xamar ayuu maanta xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Somaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca, isagoo xilka kala wareegay Taliyihii hore S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan.

Xaflada xilwareejinta maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda, xildhibaanno ka tirsan Baaralamanka Federaalka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Taliyihii hore Ciidanka Asluubta S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda maxaabiista isagoo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub.

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca,Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa ballan qaaday inuu dhameystiri diino mashaariicda lagu horumanayo Ciidanka Asluubta ee uu soo bilaabay Taliyihii hore.