Xaar Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Fariin u Farey Taliyeyaasha Saldhigyada Ciidanka Boliiska

0
56

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Taliyeyaasha ciidamada ee ka howlgala saldhigyada ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan hay’adaha garsoorka warbixino qaldan.

Taliyeyaasha ciidamada waxaan u sheegeynaa in ay jiri doonaan isla xisaabtan adag, cabashoyin badan ayaa lagala kulmaa saldhigyada.