Alshabab oo Lagala Wareegey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose

0
44

Warar aynu ka heleyno gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya dagaalo saaka aroortii halkaasi ka dhacay in alshabab lagala wareegey deegaano ay horey uga tallin jireen oo ka tirsan gobolka shabelaha hoose.

Dad goob joogayaal ah oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in dagaalka dhex marey ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab uu ahaa mid culus oo ay hubka noocyadiisa kala duwan isku adeegsanayeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ay hore u maamulayeen Al-shabaab sida Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda lama oga qasaaraha dhabta ah ee uu geystey dagaalkaas mana jirto wax war ah oo ka soo baxay labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamey.