Alshaab oo Xaley Soo Weerarey Degmada Afgooye iyo Xaalada Degmada oo Ah Hada Mid Degan

0
49

Wararka anu ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladu degan kaddib dagaal culus oo xalay halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada booliska Afgooye C/qadir Cismaan Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay weerareen meel banaanka ka ah degmada.

Ma aha kolkii ugu horeysey ee alshabab ay weerar noocan oo kale kusoo qaadaan degmada afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale oo ka tirsan isla gobolka inta badana waxaa ay bartilmaameystaan ciidamada dowlada iyo kooxaha isbaarooleyda ee ku sugan gobolka.