Maamulka Gobolka Banaadir oo Joojiyey Dhismo Ka Socdey Agagaarka Dekada Magalada Muqdisho

0
167

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la joojiyo dhismaha ka socda dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa ku war-galiyay hay’adaha ay khusayso joojinta hawlaha dhismaha, isagoo tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in dhismayaal sharci darro ah laga sameeyo dhulalka danta guud.

Duqa Muqdisho ayaa faray maamulka degmada Xamar jajab in ay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismiisu socday waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey in ay tallaabo ka qaadaan cid walba oo isku dayda dhismaha dhulkan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u joojiyay dhisme ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro oo ku yaala Isgoyska Ceelgaabta, waxana ay tallaabadani qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo maamulka ku doonayo in dib loogu soo celiyo dhulalka danta guud ee sida sharci darrada ah loo dhisanayo.