Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Booqasho ku Tegey Magalada Baydhaba

0
27

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay uu la xiriiro sidii uu uga qeybgali lahaa shirka ay isugu imanayaan madaxda Baarlamaanada maamul goboleedyada iyo baarlamaanka Federalka iyadoo kulankana loogaga hadli doono wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka

Wafdiga uu horkacayo Jawaari ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo guddoomiyhaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo qeybaha bulshada.