Olalaha doorashada madaxtinnimada Somaliland oo lasoo gabagabeeyay

0
34

Waxaa lasoo gabagabeeyay ololaha doorashada madaxtinnimada Somaliland oo ay u tartamayaan saddexda murashax ee kala ah Faysal Cali Waraabe oo ka socda xisbiyada Ucid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo Waddani u tartamaya iyo Muuse Biixi Cabdi oo u sharraxan xisbiga Kulmiye.

Ololaha ayaa socday 21-kii maalin ee lasoo dhaafay, iyadoo murashixiinta xisbiyada ay soo bandhigayeen waxa ay qaban doonaan marka la doorto.

Doorashada waxaa la adeegsanayaa aalladda loo yaqaano Iris, taasoo wajiga aqoonsaneysa. Waxaa aaladda la dhigayaa 1,642-ka meel ee laga codaynayo, kuwaasoo ku kala yaalla 21-ka deegaan-doorasho.

Isniinta ayaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashada oo la sheegay inay ku baxeyso lacag kor u dhaafeysa 19 Milyan oo dollar oo ay ku deeqeen dalal ka mid ah midowga Yurub iyo Mareykanka.