Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya Sacuudiga

0
35

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho aanan horey loo sii shaacin ku tagay dalka Sacuudiga, isagoo wada hadallo la qaadanaya madaxda dalkaas.

Booqashada ayaa timid kadib markii raysulwasaarihii Lubanan Sacad Al-xariiri uu is casilay isagoo ku sugan magaalada Riyad ee xarunta dalka Sacuudiga.

Xariiri ayaa tilmaamay in is casilaaddiisa ay timid kadib qatar soo wajahday nafsaddiisa.

Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska ayaa xusay inuu madaxda Sacuudiga kala hadlaya sidii loo hubin lahaa degenaashaha dalka Lubnan.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa durba la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaasoo saameyn badan ku leh isbaddelada cusub ee ka socda Sacuudiga.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Sacuudigu ay cadaadis ku saartay Sacad Al-xiriiri inuu is casilo, balse wali lama xaqiijin arrinkaas.

Sacuudiga ayaa khamiistii muwaadiniintiisa ugu baaqay inay ka baxaan Lubanan, iyadoo ay jirto cabsi dhinaca amniga ah.