Golaha garsoorka maxkamadda Hague oo markale doortay Cabdiqawi

0
45

Golaha garsoorka maxkamadda dambiyada caalamiga ee Hague ayaa maanta markale u dooratay xaakimka u dhashay Soomaaliya ee lagu magacaabo Cabdulqawi Axmed Yuusuf inuu kamid noqdo garsoorayaasha maxkamaddaas.

Golaha guud ee Qarammada Midoobay oo cod u qaaday ilaa shan garsoore ayaa dib u doortay Cabbdiqawi inuu kamid ahaado garsoorayaasha maxkamadda.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo sagaal sano garsoore ka ahaa maxkamadda Hague ayaa kamid noqonaya 15-ka garsoore ee ka howl galaya maxkamaddaas.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ee Hague ayaa qaadday maxkamadeynta siyaasiyiin iyo madax badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.

Qaar ka tirsan madaxda dalalka Afrika ayaa soo jeediyay inay ka baxaan maxkamadda, iyagoo ku eedeeyay inay u dhisan tahay oo kaliya maxkamadeynta madaxda Afrikaanka.