Dhegeyso: Xidlhibaanada Mooshinka Ka Wada Shariif Xasan oo Sheegey Iney Maanta Kulmayaan

0
31

Xildhibaanadii Mooshinka ka waday hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ay sheegeen in maanta kulan ku yeelan doonaan Magaalada Baydhabo.

Waxa ay sheegeen xildhibaanadan in tiro ahaan ay gaarayaan 90, sidoo kalena maanta ay ka tashan doonaan sidii waqti dhow loo horgeyn lahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mooshinka ay ka wadaan Shariif Xasan oo ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka mid ah xildhibaanada maanta kulanka yeelanaya ayaa wuxuu sheegay in ay ka tashan doonaan sidii Mooshinka loogu gudbin lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna iska fogeeyay in ay wadaan fara gelin.

Xildhibaan Amiin Maxamed

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xildhibaan Amiin Maxamed Mobil