Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaadey Xasan Sheekh oo u Hambalyeeyey Xildhibaanada Cusub

0
65

Madaxweynaha Soomaaliya ee Waqtigiisa Dhamaadey Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in hambalyo u diray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maalintii shalay sheegay kalfadhisii uu horeeyay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Baarlamaanka cusub lala shaqeeyo, isla markaana lagu garab siiyo sidii doorashada inta ka dhiman loo dhameystiri lahaa.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaankan cusub uu ka duwan yahay baarlamanadii hore ee dalka soo maray, isagoo xusay inay ku jiraan dhalinyaro iyo Haween badan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Soomaaliya ay ka wanaagsaneyd doorashada ka dhacday dalal qaar ee caalamka, isagoo tilmaamay in ay jireen cilado iyo gaabis meelaha qaar, balse doorashada ay aheyd mid u dhacday qaab wanaagsan.