Baarlamaanka Cusub oo Looga fadhiyo Iney Ku Dhawaaqaan Xiliga La Dooran Doono Gudoomiyaha Barlamanka Iyo Madaxweynaha

0
96

Baarlamaanka cusub ee 10aad oo kalfadhigiisii ugu horeeyey yeeshay maalintii shalay, ayaa lagu wada in maalmaha soo socda ka doodaan waqtiga la qabanayo doorashada hogaanka sare ee dalka.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in fadhiyada ugu soo horeeya ee baarlamaanka dib u eegis lagu sameyn doono dhamaanba wixii shuruuc ah ee la xiriir doorashada ee horey loo gaaray, iyadoo la magacaabayo guddiyo loo xil saari doono soo diyaarinta qabka howsha doorashada u socon doonto.

Waxaa uu intaa ku daray in wixii go’aano ee ku aadan doorashada ay u taalo Baarlamaanka, isla markaana wax shaqsi sameeyay howsha lagu wadi doonin, laguna howlgali doono wixii sharuuc ah ee uu dajiyo baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya oo ka kooban golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa talada dalka la wareegay, waxaana looga fadhiyaa in waqti kama dambeys u qabto doorashada Madaxweynaha iyo guddoonka labada aqal.