Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaadey Xasan Sheekh oo Maanta Tegey Magalada Kismaanyo

0
27

xasanWafdi uu hogaaminaayo Madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday ee dowlada federaalka Soomáaliya Xasan Sheekh Max’uud,ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo markii uu kasoo dagay garoonka ay si diiran ugu soo dhaweyeay maamulka Jubaland.

Madaxweeyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ka mahad celinayo sida diiran ee loo soo dhaweeyay, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka iyo isbadalka ka jira Jubaland, isagoo sheegay in arrin lagu farxo ay tahay in Kismaayo ay maanta kamid tahay magaalooyinka sida weyn uu uga socdo ololaha doorasho ee dalka.

Waxa uu sheegay in ujeedada imaatinkiisu qeyb ka tahay ololihiisa doorashada, isagoo xusay in inta uu joogo Kismaayo uu kulammo la qaadan doono madaxda Jubaland iyo weliba mudanayaasha labada aqal ee dalka ee dhawaan lagu doortay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyay soo gaarayay musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweeynaha dalka.