Wakiilka xog-hayaha Guud ee QM oo Ka Digey In Doorasha Madaxweynaha Iyo Gudomiyaha Barlamaanka Dib u Dhac Ku Yimaado

0
99

Michael KeatingWakiilka xog-hayaha guud ee QM Micheal Keating ayaa war ka soo saaray doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in doorashada mar kale dib u dhacdo.

Danjire Keating, ayaa soo jeediyay digniin ah in sanadka cusub aysan gaarin doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, maadaama marar badan dib u dhac uu ku yimid doorashada sanadkaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay inay haboon tahay doorashada inay dhacdo ka hor sanadka cusub ee 2017.

Micheal Keating ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo xaliyo tabashada maamulka Puntland uu ka qabo doorashada xildhibaanada aqalka sare ee gobolada waqooyi taasi oo uu ku tilmaamay inay dib u dhac kale keeni karto.