Xiisado Dhalin Kara Gacan Ka Hadal oo Ka Taagan Doorashooyinka Ka Socda Magalada Baydhaba

0
24

baydhaboWararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashda aqalka hoose ay ka taagan tahay halkaa.

Xiisadaa ayaa magaaladaa ka taagneyd mudadii 24ka saac ahayd ee lasoo dhaafay. Aadan Saransoor oo ah siyaasi caan ah ayaa ka mid ah dadka tirsanaya in caddaalad darro lagu sameeyey.

Wuxuu Aadan Saransoor sheegay in un magaalada laga maqlayay in doorasho socoto ee aan asaga kasoo qeyb gal cidna oran walow uu yahay murashax waliba xildhibaan ka ah baarlamaanka haatan waqtigiisa uu dhammaaday ee sugaya inuu u banneeyo meesha baarlamaanka cusub.

Wuxuu intaa ku daray Aadan Saransoor in guddiga xallinta khilaafaatka uu qoraal cabasho ah u gudbiyo uu go’aansaday.

Maamulka shariif ayaa beryahanba ka wadey magalada baydhabp isdabamarin dhinaca musharixiinta ah ayagoo qofkey doonaan ka saara liiska musharaxnimada qofkey rabaana ku darsada, Arinta ayaa shariif meesha wakil uga ah nin ay qaraabo yihiin isla markaana lagu magacaabey inuu yahay gudoomiyaha gudiga dorashooyinka.