Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arimaha Somaliya oo Maanta Gaarey Magalada Jowhar

0
28

FranciscoWakiilka midowga africa arimaha somaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ayaa maanta gaarey Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diayaaradaha ee Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka goboleedka Hirshabeelle, Guddiga Doorashooyinka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedada socadaalka wefdiga ayaa la sheegey iney tahay sidii kulamo ay ula qaadan lahaayeen Guddiga Doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona Doorashooyinka ka socda Magaalada Jowhar oo maalmahan hakad uu ku jiray ayadoo halkaasi uu muran badan ka taagan yahay.