Beesha Caalamka oo Walaac Ka Muujiyey Dib u Dhaca Ku Yimid Doorashooyinka Aqalka Hoose

0
37

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay walaac xoogan ay ka muujinayso dib u dhaca ku yimid xubnaha Aqalka Hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu waday in lasoo dhameystiro 23 October.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale la sheegay in ay walaac ka qabto in ay musuqmaasuq sameeyaan xubnaha u tartamaya xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Hoose, islamarkaana ergooyinka qaarkood ee wax soo dooranaya in ay beelaha Soomaaliyeed ay ku riixayaan in ay keenaan xubno ay saaxiibo yihiin oo hadhow dooran kara.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si weyn uga niyad jabeen hanaanka doorashada Soomaaliya, madaam maalinba maalinta ka dambeysay ay isasoo taraayaan dib u dhacyada ku imaanaya hanaanka Doorashada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqday beesha Caalamka in ay la timaado tilaabooyin cadcad oo looga baaqsan karo in uu dhaco musuqmaasuq loo geysto xubnaha Aqalka Hoose.

Warka kasoo baxay xubnaha beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo heshiisyadii ay wada gaareen xubnaha hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran, kasoo lagu qeexay hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale Waqtiyada ay dhacaayaan.