Barakac ka Bilowdey degmada Qandala ee maamulka Puntland

0
34

Kadib kolkii isbuucii lasoo dhaafay kooxda Daacish ay qabsatay magaalada Qandala ayaa haatan waxaa halkaa ka bilowday barakac baahsan.

Dadka ku dhaqan Qandala ayaa isaga baxaya magaaladaa iyo deegaanada ku xeeran ayagoo ka baqaya in Daacish ay bartilmaansato ama dagaalo hadii halkaa ay ka dhacaan ay ku waxyeeloobaan.

Haatan ayaa barakacayaashii ugu horeeyay gaareen tuulooyin ku dhow xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Asbuucii la soo dhaafay ayaa Qandala waxaa qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsan tahay fallaagada Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Kooxdaan oo Soomaali u badan ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqadir Muumin.

Tan iyo markii Qandala ay Daacish qabsatay ayaa ciidamada Puntland waxay hawl galiyeen doomo dagaal oo dhanka badda ka weerara magaalo xeebeedkaasi Qandala.