Magaalada Gaalkacyo oo Maanta Dagaal Dib uga Bilowdey

0
26

Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa Saakay dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, gaar ahaan galbeedka magaalada.

Ciidamada dagaalku u dhexeeyo, ayaa isku Adeegsanaya hubka Noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaaqa madaafiicda laga maqlayaa guud ahaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Waxaa jira baaqyo ay jeedinayaan wax-garadka labada maamul kuwaas oo lagu dalbanayo in colaadda Gaalkacyo lagu joojiyo, balse weli uma muuqdo dagaalka mid joogsanaya.

Maamulka Galmudug ayaa dhankooda baaq ay soo saareen dadkii ku barakacay Colaadaha Gaalkacyo, iyagoo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Gargaarka ka Dalbaday inay Gar-gaar lasoo gaaraan shacabkii ku barakacay colaadda Gaalkacyo.