Hay’ada Culimada Somaliyeed oo Baaq u Direy Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland

0
42

Iyadoo weli xiisado colaadeed ay ka jiraan qeybo ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxa ay ku cel celinaysaan in la joojiyo Dagaalada Gaalkacyo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay xilligan wixii ka dambeeya Gaalkacyo in aysan xamili karin Dagaal labada dhinac u dhaxeeya.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli waxa ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Culimada ay ku baaqayaan Ciidamadaasi in la kala qaado, kadibna ay wada hadal isugu yimaadaan Guddiyo matalaya labada dhinac.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay hay’ada culumida somalliyeed ugu baaqayaan labadaasi maamul in ay joojiyaan colaadaha ka taagan magalada gaalkacyo