Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta gaarey Magalada Garoowe

0
31

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rishiid Cali Sharma’arke ayaa maanta so gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kadib markii uu kasoo kicitimay Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug oo uu kula soo kulmay Madaxweyne, C/kariin Xuseen Guuleed.

Sharma’arke, Waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali, ku xigeenkiisa, Afhayeenka baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland iyo RW Somalia ayaa soo dhaweynta kaddib, kulan gaar ah oo ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd ku qaaty Gudaha Garoonka Garoowe, kaasoo ay uga wada-hadleen nabadeynta Colaadda Gaalkacyo ee u dhexeysa Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale, RW Sharma’arke iyo Gaas ayaa kulankoodii Gaarka ahaa kaddib saxaafadda la hadlay, waxayna sheegeen inay kawada hadleen dhameynta colaadda Gaalkacyo iyo mar kale dib loo kulan-siiyo madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland, si lo dhamaystiro heshiisyadii nabadeynta ahaa ee Gaalkacyo.

Safarka RW Soomaaliya ee Garoowe, ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo, xalayna uu ku hoyday Cadaado oo uu kulammo kula soo qaatay madaxda Galmudug, uuna kala soo hadlay sidii loo damin lahaa Colaada Gaalkacyo ka taagan.