Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta Gaarey Magalada Cadaado

0
30

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka aGalmudug iyo xubno kale.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda Galmudug kala hadlaya sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Gaalkacyo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Magaalada Cadaado uga sii gudbi doona Magaalada Garoowe, waxaana uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, si uu ugala hadlo Dagaalada ku soo laab laabtay Gaalklacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.