Dagaal Geystey Qasaaro Isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta ka dhacay Magalada Gaalkacyo

0
27

Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo Saakay Aroortii ka Qarxay degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kaasoo gestey dhimasho iyo dhaawac inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey Ugu yaraan 6 ruux oo labada dhinac ah dhaaacana waxaa uu marayaa 8.

Dagaalkaan, ayaa la sheegay inuu ka billowday muran ku saabsan Saldhig ay Galmudug ka dhisatay Galbeedka Gaalkacyo, kaasoo maamulka Puntland uu diiday, waxaana murankaas uu keenay inay labada maamul gacanta iskula tagaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada Galmudug, inkastoo warkaa aan la xaqiijin karin, laakiinse dagaalka xooggiisa ayaa wuxuu ka socdaa Agagaarka goobtii ay Puntland u asteysay in gaadiidka xamuulka ah ay ku kala wareegaan.

Goob-jooge ku sugan Gaalkacyo ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay inay dad badan ay ka barakacayaan xaafadda Garsoor oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo si aad ah loo maqlayo hugunka rasaasta ay dhiancyadu is-weydaarsanayaan.