Wasiirka Arimada Dibada Dowlada Federaalka Somaliya oo Shaley Khudbad Ka Jeediyey Shirka Guud ee Qaramada Midoobey

0
64

Wasiirka arimaha dibada Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayo Xaaladda Somalia ka jeediyay Shirka Guud ee QM ee ka socda Xarunta QM ee New York.

C/salaan Hadliye, ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ku jirto Xaaladda Somalia, wuxuuna xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageeraan sidii Al-shabaab Deegaannada ay weli ka taliso looga saari lahaa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xusay in caalamka looga baahan yahay inay u midoobaan la-dagaalanka Al-shabaab, isagoo xusay in Dowladda Somalia ay ka go’an tahay in ay Al-shabaab diiradda saarto, iyadoo kaashanaysa ciidanka Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.

Wasiir Hadliye, ayaa khudbaddiisa kaga hadlay horumarka ka jira Somalia, isagoo xuay in dalku markaan u baahan yahay maal-gashi Caalami ah si uu uga soo kabto dhaqaalo-yarida jirta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka dhawaan wuxuuna xusay inay Dowladda Federaalka ka go’an tahay in doorashadan ay noqoto mid ka madax-bannaan musuq-maasuq.