Xasan Sheekh OO Jowhar Tegey Fureyna Shirka Maamul u Sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan

0
36

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo, ayaa gaaray maanta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo furay Shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo uu Jah-wareer soo food-saaray muddooyinkii dambe.

Shirka dhismaha maamulka Gobolladan ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda FS iyo Odayaasha Labada Gobol ee Maamulka loo Sameynaayo, inkastoo duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay intooda badan ka soo horjeesteen shirkan.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay Ahmiyadda uu leeyahay in la helo Maamul ay ku Mideysan yihiin Gobolada Hiiraan & Shabeellada Dhexe, isagoo xusay in loo baahan yahay in la isku tanaasulo, isla markaana la is-kaashado.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in wax kasta oo la Billaabayo ay Dhibaato badan leeyihiin, hase yeesheen loo baahan yahay in la isku dulqaato, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha maamullada hadda ka jira dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay mas’uul uga tahay dhismaha maamulkan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo gacan ka helaysa Urur-goboleedka IGAD oo hawshan fududeeye ka ah.