Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya o Maanta Gaarey Dalka Itoobiya

0
46

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isagoo uga gudbi doona degmada Baxar-daar oo uu uga qayb-gelayo doona shirkii shanaad ee madasha Amniga Qaaradda Afrika oo berri furmaya.

Shirkaan, ayaa looga hadli doonaa kaalinta Qaaradda Afrika ee Amniga Dunida iyo Hawl-gallada Ciidamada Nabad-ilaalinta ah. Waxaana ka qayb-geli doona mas’uuliyiin ka socda Caalamka iyo Qaaradda Afrika.

Kulankaan, ayaa kulmiya Madaxda Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka Amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madaxda Afrika isku-dhaafsadaan fikrado la xiriira sida mashaakilka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.