Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta HIshiis La Saxiixdey Madaxweynaha Dalka Suudaan

0
29

Madaxweynayaasha Somalia, Xasan Sheekh iyo Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Wadanka Suudaan ee Khartuum; halkaasoo madaxweynaha Somalia uu booqasho rasmi ah ku joogo.

Hoggaamiyeyaashan ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan u dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cumar Al-bashir, shacabka iyo xukuumadda Sudan uga mahad-celiyay sida ay u garab-is-taageen Somalia xilligii burburka iyo waqtigan la joogaba, isagoo weydiistay in taageeradaas la sii wado.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Somalia ay sanadkan ay ka dhacayaan doorashooyin, taasoo uu xusay inay ka marag-kacayso horumarka weyn ee laga sameeyay dhinacyada dowlad-dhisidda Soomaaliya, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay kusoo dooranayaan hoggaankooda .

Dhanka kale, Cumar Al-Bashir, ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Somalia ku tallaabsatay, isagoo sheegay in dowladda Suudaan ay sii wadeyso taageeradeeda Somalia illaa inta uu waddanku cagahiiisa isugu taagayo.