DHAGEYSO WAREYSI+SAWIRO:- Labo nin oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo iyo Puntland oo cabsi soo wajahday

0
48

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay meydka labo nin oo ka shaqeynayay sida la sheegay Hotel caan ah oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo, oo goor dhow meydkooda laga helay banaanka magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Abgaalow waxa uu sheegay in aysan waxba xog ah ka heyn cidda dilkan geysatay, waxaana uu sheegay in ay nimanka isagga ula muuqdeen in ay magaalada joogi jireen.

Wararka qaaar ayaa sheegaya in ay labadan nin aysan u dhalan deegaanada Puntland, ayna yihiin dadweynaha soo galay ee ka shaqeysta magaalada.

Maamulka gobolku waxay cadeeyeen in sida xogaha ay ku helayaan nimankan laga qabsaday goobta shaqada, xilli ay shaqada ka baxeen, isla markaana rag xiran dharka ciidamadu ay kaxeysteen ka dibna saaka meydkooda laga helay duleedka Waqooyi ee magaalada.

Qoyska mid kamid ah eheladan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dilka loo geystay shaqsiyaadkan, maadaama ay mudo dheer joogeen magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan ayay aheyd markii shacabka reer Puntland ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan dadka aan udhalan deegaanada Puntland.

wararkela aanu ka helayno dadaka degaan ka ayaa sheegayaa inay u dhaladeen labadaan qof reer koonfur galbed

soomaaliya gordhaw waxaan filaynaa inaan soo cadayno dadkaan mesha ay ka soo jeedaan

Hoos ka Dhageyso Wareysi:-

Wareysi-Mudug-Meydaaaa

dil 1 dil 2 dil 3