Dhegeyso Shacab Dhac iyo Jirdil Loogu Geystey Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
28

In mudo ahba gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada afgooye waxaa ka taagney ilaa iyo hadana ka taagan dhibaatooyin lixaad leh oo ay geystaan kooxaha dareysa dowlada loo soo labisey kuwaasoo mar walba dhigta isbaarooyin isla markaana lacago kaga gurta shacabka halkaasi maraya.

Kooxo hubeysan ayaa dhac & Jirdil kula dhaqaaqay Dad Shacab ah oo saarnaa Gaadiid Bii’el ah oo marayey Duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Gaariga ayaa waxaa uu ka soo anba baxay Degmada Kuntuwaareen Ee Isla Gobolka Sh.Hoose waxaana Lagu dhacay Deegaan lagu magacaabo Beerta Aadan Seeraar Oo Duleedka Ka Ah Afgooye.

Dadka Rakaabka Qaarka mid ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dhamaan darawalada ay ku amrayeen Kooxda in Dadka ay soo qaadayaan ay horey u soo qaataan lacago madax furasha ah hadii kale ay dilayaan.

Degmada Afgooye

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Degmada Afgooye Mobil